Muxuu Wasiir Cilmi Maxamuud ka yiri xilka qaadistii lagu sameeyay?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xilka qaadistii xalay lagu sameeyay.

 

Cilmi ayaa sheegay in sharaf u aheyd inuu noqdo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo shaaciyay inuu wax ka qabtay dib u habeynta maaliyadda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu soo dhaweynayo wasiirka cusub ee loo magacaabay wasaaradda maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige.

  • Halkan hoose ka aqriso:-

Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.

Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.

Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool  ah  ugu adeegno dadkeena.

Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.

Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle  u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here