MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka jeediyay masjidka madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xakameynta hubka.
Madaxweynaha ayaa farriin cad u diray xubnaha macaaradka ee ku sugan caasimada iyo shaqsiyaadka kale ee hubeysan, wuxuuna sheegay in laga qaadi doono tallaabo adag.
Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in habeen saq-dhexe ah la weerari doono guri kasto oo uu hub yaallo, haddii ay xogtiisa helaan laamaha ammaanka Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo warbixinta:-