Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka uu guddoomiyay Aadan Madoobe?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

 

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.

Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here