Natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar taasi oo lagu shaacinaayay Natiojada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2023-2024.

 

Imtixaankii Fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa sanadkaan u fariisatay ardey gaareysa 34,792 oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal, waxaana imtixaanka ku gudubay 32,689 arday, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan keenin ardey gaareysa 2,103.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Hambalyo u diray guud ahaan ardeyda ka qeybgashay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad, Macalimiinta iyo Waalidiinta, waxa uuna si gaar ah ugu hambalyeeyay Ardeyda kaalimaha ugu horeeya galay, asigoona xusay in maamuus gaar ah loo sameyn doonno.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo bahda Waxbarashada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here