Nin gowracay hooyadiis iyo abtigiis oo gacanta lagu soo dhigay

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya oo caawa howlgal ka sameeyay degmada Dayniile ayaa gacanta kusoo dhigay nin si arxan darro ah u dilay hooyadiis iyo abtigiis.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe ayaa lagu soo xiray saldhigga Dayniile, waxaana haatan baaritaano ku hayo laamaha amniga Soomaaliya.

Sidoo kale booliska oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ninkan lagu sameyn baaritaan caafimaad, si loo ogaado inuu qabo xanuun dhimirka ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-

Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Baanadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Deyniile ayaa taariikhda markay aheyd 24.06.2024Abaaro. 6:40pm fiidnimo waxay gacanka ku soo dhgeen eedeysane ku eedaysan gacan ku dhiiglanimo

Eedeysane gacan ku dhiigle, Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe Ina Muraayo Muxumud Siyaad Kaas dil u geystey hooyadii dhashey iyo abtigiisa oo lagu kala Magacabijiray.

Marxuumada:Muraayo Maxamud Siyaad.55 jir ah Iyo Marxuum: Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir wuxuu dilka u adeegsadey toorey oo sitoos ah ugu weerarey labada marxuum.

Waxaa la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu waalidkiis dilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here