Muqdisho, Soomaaliya – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo kaashanaysa Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah (Interpol), ayaa dalka Rwanda kasoo qabtay eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo muddo baxsad ka ahaa hay’adaha cadaaladda Soomaaliya.
Jaamac Cabdi Maxamuud ayaa lagu eedeeyay falal kufsi ah, duubista muuqaallo anshax xumo ah, iyo tacaddiyo loo geystay gabdho Soomaaliyeed, kuwaas oo dhacay deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud hadda lagu soo wareejiyay Soomaaliya, si uu ugu wajaho caddaaladda loona bilaabo dacwaddiisa sharciyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Rwanda iyo Interpol kaalintii ay ka qaateen qabashada iyo soo celinta eedeysaha.





