AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Afgooye lagu qabtay nin la sheegay inuu gubi rabay xaaskiisa iyo carruurtiisa.
Ciidamada ammaanka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, isaga oo Taraq iyo Basiin ka gadanayay suuqa degmada, kadib markii ay soo war-geliyeen dadka deegaanka.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in baaritaan ay ku sameeyeen ninkaasi ay ku ogaadeen inuu damacsanaa inuu dab qabadsiiyo gurigiisa, isla-markaana uu khilaaf kala dhexeeyay xaaskiisa.
Halkan hoose ka daawo warbixinta:-