Nin Sodohdiis ku dilay maanta degmada Afgooye oo gacanta lagu soo dhigay

0

AFGOOYE (SMN) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal argagax leh oo maanta Jimco ah ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii nin watay Maqar uu dil iyo dhaawac ka gaystay degmadaasi.

 

Ninkan oo gacanta lagu soo dhigay ayaa nolosha dhaafiyay Sodohdiis, wuxuuna sidoo kale dhaawacay xaaskiisa iyo gabar kale oo la dhalatay, kuwaas oo loola cararay isbitaalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ninka weerarka gaystay iyo xubnaha kale ee qoyska uu soo kala dhex galay muran, kadib uu sidaas ugu gaystay dilka iyo dhaawaca.

Ciidamada ammaanka oo goobta tegay ayaa weli wada baaritaano ku aadan dhacdadan argagaxa leh, ayada oo gacanta lagu hayo eedeysanaha.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dalka kusoo badanayay dhacdooyinka argagaxa leh oo badi salka ku haya arrimo qoyska, waxaana ay ka dhaceen meelo kala duwan oo kamid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here