Nin Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inuu Isku Dayay inuu Ku Biirro Daacish

0

MINNEAPOLIS (SMN) – Nin Soomaali ah oo ku nool Minneapolis ayaa lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero ku aaddan weerarkii ka dhacay New Orleans, kaasoo ku dhintay 14 qof, io isku day uu ku doonayay inuu ku biiro kooxda Daacish, ee ka dagaalanta Buuraha Calmiskaad, Puntland.

 

Abdisatar Ahmed Hassan, oo 22 jir ah, ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday maxkamad waxaana loo soo jeediyay eedeynta ah inuu isku dayay inuu taageero siiyo urur argagixiso. Waxaa la amray inuu xabsiga ku jiro ilaa dhegeysiga dacwadda ee March 5.

Qoraalka dacwadda ayaa lagu sheegay in uu isku dayay labo jeer bishii Diseembar inuu ka soo safro Minnesota una safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Daacish, balse ma uusan ku guuleysan. Waxaa la sheegay inuu sheegay inuu u socday inuu booqdo qoys, laakiin aysan jirin cid uu ku leeyahay Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyayaashu waxay sheegeen in baaritaanka FBI-da uu xaqiijiyay in Abdisatar uu si guud u muujiyay taageerada uu u hayo kooxda Daacish, isagoo ku ammaanay Shamsud-Din Jabbar weerarkii ka dhacay New Orleans.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu soo dhigay muuqaal isagoon ku jiro gaarigiisa isagoo haysta calanka kooxda Daacish. FBI-da ayaa sidoo kale la socotay markii uu gaariga ku watay calanka Madow, waxaana uu soo dhigay muuqaalkaas bartiisa Internet-ka.

FBI-da ayaa sheegtay in bishii May ee lasoo dhaafay uu Abdisatar soo dhigay baraha bulshadda qoraallo taageero ugu muujinayo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ninkan dhalinyarada ah wuxuu ku dhashay Kenya, isagoo noqonayaa kii ugu dambeeyay ee ka mid ah dadka reer Minnesota ee lagu eedeeyay inay isku dayeen inay ka tagaan Mareykanka kuna biiraan kooxda Daacish. Sannadkii 2016, sagaal nin oo reer Minnesota ah ayaa lagu xukumay dacwado ku saabsan isku dayga inay ku biiraan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here