NISA Oo Dishay In Ka Badan 23 Xubnood oo ka Tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa afar howlgal oo qorsheysan oo toddobaadkan laga fuliyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ku dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgaladan ay ahaayeen kuwo ka hortag ah, kaddib markii hay’addu heshay xog sirdoon oo muujinaysay in Al-Shabaab ay maleeshiyaad ku abaabulayeen deegaannada Waab-weyn iyo Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas, isla markaana uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato. Sidoo kale, maleeshiyaad kale ayaa lagu uruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weeraradan, oo kii ugu dambeeyay uu dhacay xalay gelinkii dambe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay xero ku taallay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad u badnaa kuwa ay ugu yeeraan Xisbada. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, maleeshiyaadkan ayaa qeyb ka ahaa qorsheyaal ay kooxdaasi ku doonaysay inay ku fuliyaan falal amni darro oo ka dhaca deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.

NISA ayaa caddeysay in howlgaladu ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo khataraha amni ee ka jira dalka, isla markaana lagu xaqiijinayo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here