NISA Oo Dishay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab Kadib Howlgallo Ka Dhacay Hiiraan iyo Mudug

0

Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Hiiraan iyo Mudug. Howlgalladan ayaa lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo la sheegay inay abaabulayeen falal lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed.

 

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 15 xubnood, oo ay ku jireen horjoogeyaal ay ka mid yihiin Xudeyfa Galinle, oo ahaa gacanyarihii wakiilka Mudug, Qataatow, oo ahaa madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug, iyo Cabdiraxmaan Garwayne, oo ahaa madaxii marin-habaabinta ee deegaanka Jowle. Sidoo kale waxaa la dilay Daahir, oo ahaa madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo, iyo Cabdiwali, oo ahaa horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne.

Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday laba guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato, oo lagu magacaabo horjoogaha maleeshiyaadka kooxda ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriya iyo Cismaan Cabdulle Faarax. Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaashan.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Somalia iyo saaxiibadeeda caalamka ku wadaan la dagaallanka Al-Shabaab, si loo xoojiyo amniga loogana hortago qorshayaasha kooxda ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.May be a doodle of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here