MUQDISHO (SMN) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaa oo doonayay in uu dilo Ganacsade Kaamiro ku xiray Goobtiisa Ganacsi.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ay ku daba jireen Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda kuwaas oo intooda badan gacanta NISA soo galay.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay saddex ganacsato ahaa oo dukaamadooda ku xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay ku amartay dowladda.