NISA oo Howlgal Bartilmaameed ah ku Burburisay Xarumihii Muhiimka ahaa ee Al-Shabaab ee Jubbada Dhexe

0

Bu’aale, Soomaaliya — War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidanku, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay fuliyeen howlgal bartilmaameed ah oo ka dhacay deegaanka Arabow, oo hoostaga magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

 

Howlgalkan ayaa lagu burburiyay xarumihii ugu waaweynaa ee Al-Shabaab ay ka abaabuli jireen falalka argagixiso, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaarayay qorsheynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, inta uu howlgalka socday, waxaa halkaas lagu dilay siddeed (8) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, iyada oo la beegsanayo xarumaha iyo horjoogayaasha muhiimka u ah kooxda.

Hay’addu waxay mar kale adkaysay in ay sii wadi doonto howlgallada noocan oo kale ah ilaa laga ciribtirayo guud ahaan Al-Shabaab.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here