NISA oo howlgal ku dishay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka waday abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana jab xooggan lagu gaarsiiyay shabakadooda dagaal.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga Degmada Maxaas, halkaas oo lagu beegsaday xubno la sheegay in loo diyaarinayay fulinta falal amni darro oo ka dhan ah shacabka ku nool aaggaasi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalkaasi waxaa lagu dilay ilaa 17 xubnood, waxaana sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

NISA ayaa xustay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga cirib-tiro khatarta ay kooxdu ku hayso amniga iyo xasilloonida dalka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here