NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjooge sare oo Tirsanaa Al-Shabaab

0

Saakow – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgal guul ku dhammaaday oo ka dhacay banaanka magaalada Saakow, gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

 

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah uga socda gobollada kala duwan ee dalka. Ilo amni ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda, isla markaana lagu gaaray natiijo la taaban karo.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xusay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan, iyagoo diiradda saaraya baabi’inta hoggaanka, xarumaha, iyo awoodda Al-Shabaab ee ay ku dhibaateeyaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here