NISA oo Shaacisay Dilka Horjoogihii Al-Shabaab u Qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir

0

Muqdisho, Soomaaliya — Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaaciyay in ay dileen horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo, lagu dilay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, oo magaciisa afgarashada ahaa Sheekh Aadan Dheere.

NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu ahaa shaqsi muhiim u ahaa Khawaarijta, isla markaana door weyn ka ciyaarayay ururinta iyo maamulka dhaqaalaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, taas oo si toos ah u saameynaysay amniga iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa xustay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga guud ee dalka, iyada oo la beegsanayo horjoogayaasha halista ku ah nabadda iyo xasilloonida.

NISA waxay mar kale adkeysay in ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtirayo guud ahaan dalka, shacabka Soomaaliyeedna laga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan kooxaha argagixisada.
May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here