NISA oo sheegtay in Duqeymo Diyaareed oo lagu Dilay 48 Ka Tirsan Al-Shabaab

0

MOGADISHU, Soomaaliya — Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa shaacisay Talaadadii in duqeymo diyaaradeed oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay dileen 48 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo ku sugan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

 

Sida laga soo xigtay NISA, duqeymaha ayaa lagu beegsaday goobo kala duwan oo ka tirsan labada gobol. Duqeyntii koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Daarunicma, iyadoo lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta labaad ayaa ka dhacday deegaanka Alkowsar, halkaas oo lagu dilay 19 xubnood oo kale, iyadoo duqeynta saddexaad ee ka dhacday Beera Yabaal ee gobolka Hiiraan lagu dilay 12 xubnood oo kale.

Duqeymahan ayaa yimid xilli hore oo maanta ah, iyadoo la sheegay in dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ay ka dhaceen deegaanada Daarunicma iyo Beera Yabaal, inkasta oo NISA aysan xusin waqtiga ay duqeymahaasi ka dhacayeen war-saxaafadeedkeeda.

Al-Shabaab, oo ah urur xagjiri ah oo ku xidhan Al-Qaacida, ayaa muddo dheer dagaal ku qaaday dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Soomaaliya, oo inta badan taageero ka helaya la-hawlgalayaasha caalamiga ah, ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ururka Al-shabaab sanadihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here