MUQDISHO (SMN) – Hay’adda NISA ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay laba eedeysane oo loo haysto inay ka dambeeyeen dil saddex ganacsato ah dhawaan loogu gaystay degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
NISA ayaa shaaca ka qaaday in raggan la horgey dooono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in ciidamada ammaanka ay weli ku raadjoogaan eedeysane kale oo saddexaad oo ku lug lahaa dilkaasi.
Halkan hoose ka akhriso:-