Gaalkacyo – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ilaa iyo saddex maalmood ay halkaasi ku xiran yihiin odayaal dhaqameed iyo ganacsato kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaasoo lagu haysto xarun ku taalla xaafadda Siinaay.
Dad goobjoogayaal ah iyo ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Arlaadi Media Network in dadka la xiray ay ka mid yihiin ganacsato caan ah oo magaalada ka ganacsada, iyo odayaal dhaqameed si weyn looga yaqaan deegaanka.
Xarigooda waxaa loo aaneynayaa arrin la xiriirta mag-diid, kaddib markii ay dad kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha dega Gaalkacyo ku andacoodeen inay raadinayaan magta nin horey loogu dilay koonfurta Soomaaliya, dilkaasoo lagu eedeeyay beel ka tirsan Koonfur Galbeed (KGS).
Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in dadka la xiray aysan waxba ka ogeyn dhacdadaas hore uga dhacday koonfurta dalka, isla markaana aysan jirin maxkamad ama hay’ad sharci ah oo si rasmi ah u amartay xarigooda.
“Waa arrin ceeb iyo fadeexad ku ah maamulka gobolka iyo taliska booliska Mudug in dad shacab ah, oo aan wax dambi ah lagu heyn, lagu hayo xarumo gaar ah oo aan sharciyad maxkamadeed lagu xirin,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan la magacaabin sababo ammaan dartood.
Illaa iyo hadda, maamulka gobolka Mudug, taliska booliska gobolka iyo mas’uuliyiinta dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedka Galmudug kama aysan hadlin xariggan, taasoo sii kordhisay walaaca bulshada ee ku saabsan ku tumashada sharciga iyo xuriyadda muwaadiniinta.
Waxgarad iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa baaq u diray maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka in si degdeg ah loo sii daayo dadka la haysto, isla markaana loo maro waddo sharci ah haddii ay jirto cabasho ama dacwo.
Arrintan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajahdo caqabado badan oo la xiriira hannaanka caddaaladda, kala dambeynta sharciyada, iyo doorka beelaha iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalka nabadeynta iyo dowlad dhiska.




