Sanaag – Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa si cad u diiday habka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u wajahday qorshaha maamul u sameynta gobollada Sool iyo Sanaag.
Odayaashu waxay sheegeen in:
- Gobollada Sanaag iyo Haylaan ay si buuxda uga mid yihiin maamul-goboleedka Puntland.
- Weli aysan dhicin wax shir siyaasadeed ah oo lagu go’aamiyey mustaqbalka gobolladan, islamarkaana aysan jirin wax odayaal ah oo matalaya Sanaag iyo Haylaan oo loo diray shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Laascaanood.
- Waxaa la ogeysiiyay saaxiibada caalamiga ah in aan la gaarin wax heshiis ah oo ku saabsan dhisidda maamul cusub.
- Waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka fogaato tallaabo kasta oo keeni karta kala-qaybsanaan beeleed iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhalata faragelin toos ah oo lagu sameeyo arrimaha Sanaag iyo Sool.
Odayaashu waxay carabka ku adkeeyeen in masiirka deegaanadooda uu yahay mid si buuxda uga go’an dadka deegaanka, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalka ah ee dalka. Waxayna digniin ka bixiyeen in wax kasta oo lagu sameeyo si aan wada-tashi ahayn ay kicin karaan xaalado degdeg ah oo khalalaase keeni kara.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

