Odayaasha dhaqanka Mudulood oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Duubabka dhaqanka ee beesha Muddulood oo ay hoggaaminayaan Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kamid ah madaxda ku matala dowladda heer federal iyo Gobolka Banaadir ayaa kulan is xog wareysi iyo kala war qaadasho ah ku yeeshay Muqdisho.

 

Waxaa la isla qaatay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo danta guud ee dalka, sidoo kalena laga fogaado wax walba oo sababi kara kala tag bulsho, lagana shaqeeyo isku heynta bulshadda lagu matalo dowladda.

Intaas kadib, Ugaaska ayaa kula dardaarmay madaxda kulanka ka soo qeyb-gashay isku duubni iyo wadajir, sidoo kalena bogaadiyay qorshaha Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo ka caaggan khawaarijta.

Ugu dambeyn, Imaamka beesha Muddulood ayaa ka duceeyay kulanka, sidoo kalena sheegay in beeshu garab u tahay dowladnimada, midnimada iyo isku-heynta umadda Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here