ISLABAD (SMN) – Madaxweynaha Pakistan Asif Ali Zardari ayaa u xilsaaray wasiirka arrimaha gudaha Rehman Malik inuu qaado tillaabooyin lagu soo deynayo la haystayaasha Pakistan ee gacanta ugu jira burcad badeeda Soomaalida.
Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Zardari wuxuu telefoon kula xiriiray wasiirka arrimaha gudaha, wuxuuna faray in uu dadaal badan ku bixiyo sidii iyagoo bad-qaba dalkooda Pakistan loogu soo celin lahaa haystayaasha, maadaama waqtiga ay burcad-badeeddu qabteen uu ku eg yahay maalintaTalaadada.
Ehelada la haystayaasha ayaa ku jira murugo joogto ah tan iyo markii burcad-badeeddu ay ku afduubeen markabka MV Albedo xeebaha Soomaaliya bishii November 2010, waxaana la socday badmaaxayaal u dhashay Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka iyo Iran.
Markii hore, burcadbadeedda Soomaalida waxay dalbadeen madaxfurasho dhan 8 milyan oo doolar. Wada xaajoodyo kadib, ayaa laga dhigay lacagta $2.85 milyan. Madaxa Guddiga Xiriirinta Muwaadiniinta iyo Booliska Pakistan, ayaa la filayaa inay bixiyaan lacagta si loo sii daayo muwaadiniinta Pakistan ee burcad badeedu ay haystaan.
Qoysaska ayaa dhanka kale waxa ay ku dadaalayeen sidii ay lacagtaasi u soo ururin lahaayeen. Waxaa ka maqan lacag dhan 1.4 milyan oo doolar, taasoo ay si quus ah isugu dayeen inay aruuriyaan ka hor inta aan la gaarin waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay.
Markabka MV Albedo ayaa quusay sanadkii 2013 ka dib markii ay gacanta ku hayeen burcad badeeda Soomaalida ku dhawaad 3 sano. Ugu yaraan afar ka mid ah shaqaalihii markabka iyo 7-burcadbadeed Soomaali ah ayaa ku dhintay shilkaas, 13-kalena waa la la’yahay, sida uu sheegay mid kamid ah burcad-badeeda.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ilaa 40 qof ay weli gacanta ugu jiraan burcad badeeda Soomaalida.