Prof. Diini oo Eedeyn Culus U Jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

MUQDISHO, 1-da Juun 2025 – Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah, Prof. Diini, ayaa xalay qudbad kulul ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay shir ay mucaaradku maalmahan dambe ku lahaayeen magaalada Muqdisho, isagoo si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Prof. Diini ayaa ku eedeeyay dowladda xilka haysa inay dalka ka geysatay tacadiyo baahsan oo saameeyay qeybo kala duwan oo bulshada ka mid ah.

“Dhalinyaro badan way tahriibtay intii ay xilka hayeen, ganacsatadiina waxay la carareen hantidoodii. Aqoonyahannada, suxufiyiinta, iyo qof kasta oo aragti ka dhiibta xaaladda dalka, cadaadis iyo cabsi ayaa lagu hayo,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Prof. Diini wuxuu sheegay in dowladda ay qaaday canshuuro fara badan oo uu ku tilmaamay “isbaaro sharciyeysan”, taasoo uu sheegay inay si toos ah u saameysay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in shaqo la’aan baahsan ay hareysay dalka, islamarkaana dad badan ay ku barakaceen xaalad nololeed oo adag darteed.

Hadalka Prof. Diini ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo muran badan ka taagan yahay, gaar ahaan nooca doorasho ee la qorsheynayo in lagu galo mar kale, iyadoo weli mucaaradka iyo dowladda aysan isku afgaran qaabka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here