MUQDISHO– Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa markale cirka isku sii shareeray, kaddib markii Puntland si adag uga hortimid qaabka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sheegtay in aan dalka si caddaalad ah loogu wada qeybgelin go’aamada masiiriga ah, xulista masuuliyiinta iyo hirgelinta mashruucyada horumarineed.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, ayaa warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Puntland ay garab taagan tahay mowqifkii uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni qaatay sanadkii 2022, markii uu ka baxay Madasha Wadatashiga Qaran.
Wasiirku wuxuu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid sax ah, maadaama ay hadda muuqato in talada dalka ay gebi ahaanba gacanta u gashay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Dowladnimada Soomaaliya maanta waxay isu soo ururtay hal qof, Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Wasiir Faroole. “Waxaa muuqata in madaxda Federaalka aysan u hoggaansamaynin mabda’a awood qeybsiga, oo ay ka mid tahay in maamul goboleedyadu ka qeyb galaan go’aamada masiiriga ah ee dalka.”
Puntland ayaa horey u muujisay walaac ku saabsan sida loo marayo hannaanka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, iyadoo sheegtay in aysan lagu wadin waddo loo dhanyahay.
Maamulka ayaa sidoo kale ka caga jiiday ka qeybgalka shirarka federaalka, iyada oo si toos ah u dhaleeceysay dowladda dhexe in ay ka weecatay nidaamkii wadatashiga iyo midnimada siyaasadeed.
Khilaafka sii kordhaya ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalku wajahayo caqabado badan oo amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, taas oo sare u sii qaadeysa walaaca laga qabo kala qeybsanaan siyaasadeed oo horseeda burburka hannaanka federaalka ee dalka.
Illaa hadda, Villa Soomaaliya kama aysan jawaabin hadallada kasoo yeeray Puntland, balse siyaasiyiin falanqeeya arrimaha dalka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in la helo hannaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo ay qeyb ka yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka, si loo badbaadiyo midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.



