Garoowe, Puntland – Maamulka Puntland ayaa markale muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabto maamulka dhawaan lagu dhawaaqay ee loogu magacdaray “Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya”, kaasoo sheegtay inuu matalo deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadaas, isaga oo ku tilmaamay in la wado qorshe siyaasadeed oo fogaan-darro ah, ujeeddadiisuna tahay in la kala qeybiyo shacabka ku wada dhaqan gobolladaasi.
“Waxaan ka digeynaa in la carqaladeeyo xasilloonida ka jirta gobolka. Maamullo cusub oo aan loo dhisey si wadatashi ah waxay horseedi karaan khilaaf iyo dib-u-dhac aan loo baahnayn,” ayuu yiri Qaraaje oo ka hadlayay fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay ka dhacay Garoowe.
Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u tilmaamay in gobolka Sanaag uu yahay mid leh taariikh halgan iyo midnimo leh, isla markaana aan marna laga aqbali karin in maamul shisheeye oo dusha laga keenay uu ka arrimiyo.
Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay u muuqato mid si dadban u taageeraysa kala qeybsanaanta, halkii laga filayay inay garwadeen ka noqoto midnimo qaran iyo wadajir bulsho.
“Dowladdu waa in aysan ka dhex muuqan qorshayaal lagu kala geynayo ummadda Soomaaliyeed. Haddii ay dhab ka tahay qaranimo, waa inay si dhab ah u garab istaagtaa wadajirka shacabka,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, siyaasiyiin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay qorshahooda ah inay booqanayaan deegannada Sanaag iyo Buuhoodle si ay u fidiyaan adeegyada maamulka cusub, arrintaasoo sii kordhisay cabashada Puntland.
Is-mariwaaga u dhexeeya Puntland iyo maamulka cusub ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo xaalad amni darro oo hor leh, iyadoo shacabka deegaanka ay weli sugayaan xal siyaasadeed oo mideeya, halkii uu kala qaybin lahaa.




