GAROOWE (SMN) – Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii habeen hore ka dhacay bariga magaaladaas, gaar ahaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee Puntland iyo maleeshiyaad hubeysan oo diidanaa hannaanka loo wajahayo doorashada maamulkaasi.
Axmed Taaran ayaa shaaciyay magacyada 4 mas’uul oo uu ku jiro la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha dhaqaalaha, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dhacdadaasi, waxayna kala yihiin:- Khadar Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Maxamuud Warsame Faarax (Shido) iyo Maxamed Jaamac Faarax.
Xeer ilaaliyaha ayaa amar deg deg ah ku bixiyay in lasoo xiro afarta eedeysane, si looga qaado tallaabo adag.
Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa ka mid ahaa saaxibo aad ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni, balse ay mar dhow ku kula tageen arrimaha siyaasadda ee mamulka Puntland.
Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya muranka ka dhashay doorashada oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.