Puntland oo beenisay in DF Soomaaliya ay howlgal amni ka fulisay deegaankeeda

0

GAROOWE (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu beeniyay qoraal ay shalay soo saartay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay in ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen buuraha Calmadow ee maamulkaasi.

 

Puntland ayaa ka hortimid sheegadashaasi, waxayna sheegtay in aysan jirin ciidan ka tirsan dowladda oo howlgal ka fuliyay deegaanadadeeda.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkana la wadaagaysaa in an waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen in ciidanka SNA ay howlgal amni ka fuliyeen deegaanada Calmadow ee Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here