Puntland oo ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Boosaaso + Ujeedka

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso ciidanka PSF iyo maamulka Puntland.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, taas oo laga cabsi qabo inay isku fara saaraan halkasi.

Xiisaddan ayaa timid, kadib markii dhowaan ay hanjabaad culus soo saareen ciidanka PSF oo amray in shacabka ay isaga guuraan aagga garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Taliska ayaa sheegay in garoonka loo diiday ciidankooda, gaar ahaan in laga dhoofiyo askar ka dhaawacantay, waxayna ku goodiyeen inay xirayaan garoonkaas, illaa xal laga gaarayo.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay labada ciidan ay ugu dagaalameen gudaha magaalada Boosaaso, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here