BOOSAASO [SMN] – Puntland, muddooyinkii ugu dambaysay, waxa ay dagaal adag kula jirtay kooxda Daacish ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka. Dagaaladaasi ayaa keenay khasaare weyn oo xogta lagu sheegay inay gaareen.
Puntland ayaa ka dhawaajisay inay guulo kasoo hooyeen dagaalkaas, iyada oo kooxda Daacish laga qabsaday deegaano waaweyn iyo in lagu dilay tiro badan oo ka mid ah dagaalyahannada.
Xogta la helay waxay muujineysaa in Puntland ay sidoo kale u xirxiratay qaar ka mid ah dagaalyahannada Daacish ee maxaabiis ahaan ugu soo qabatay gacanta, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah ay yihiin kuwa muhiim u ah kooxda Daacish.
Dagaalkan, oo ah mid muhiim ah, ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuuna ahmiyad weyn siiyay sidii looga ciribtiri lahaa kooxda Daacish ee ka howl-gasha deegaanada Puntland.
Garaadka Guud ee SSC, Garaad Jaamacad Garaad Cali, ayaa ka hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto kooxda Daacish. Wuxuu ku baaqay in taageero buuxda la siiyo Puntland, isagoo sheegay in dadka Khaatumo ay diyaar u yihiin inay ka garab istaagaan Puntland, iyagoo si wadajir ah u ciribtiraya kooxda Daacish.
Hadalka Garaadka SSC ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay guulo waa weyn ka gaartay gulufka dagaal ee ka dhanka ah Daacish, iyadoo shacabka Puntland ay si weyn uga taageerayaan hawlgalkan. Guulahaasi ayaa waxa ay sare u qaadeen kalsoonida shacabka iyo ciidanada Puntland ee dagaalka ka qayb qaadanaya.
Dagaalkani ayaa muhiimad weyn u leh gobolka, waxaana laga cabsi qabaa in kooxda Daacish ay isku dayaan inay ku soo noqdaan deegaanada la qaaday, balse Puntland ayaa diyaar u ah inay sii wado dagaalka si looga ciribtirayo kooxdaas.