GAROOWE (SMN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.
Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland.
Sidoo kale waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-



