Puntland oo diiday inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Itoobiya iyo ka maamul ahaan xiriirka ay la leeyihiin.

 

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in wada shaqeynta iyo iskaashiga Puntland iyo Itoobiya uu haatan wanaagsan yahay, wuxuuna tilmaamay inay weli shaqeyneyso qunsuliyadda Itoobiya ay ku leedahay Garoowe, isla markaana aysan xiri doonin.

Wasiirka ayaa sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn khilaafka dowladda dhexe haatan kala dhexeeya Itoobiya oo ay isku qabteen heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland.

Sido kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada BFS ee Puntland ku metala dowladda dhexe, wuxuuna tilmaamay in iyaga ay quseyso mowqifkooda iyo waxa ay ka yeelaan xaaladda taagan.

Puntlabd ayaa weli qudheeda wuxuu khilaaf xoogan kala dhexeeyaaa DFS, kaas oo saameyn xoogan ku yeeshay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday, waxayna Puntland horay u sheegtay inay u dhaqmeyso sida dowlad oo kale.

Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhashay wax ka beddelka dastuurka oo ay si wayn uga carootay Puntland, kadib markii ay meel marisay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here