Puntland oo farriin u dirtay MD Xasan Sheekh Maxamuud

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay gogosha uu dhowaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si hal meel looga soo wada jeesto dagaalka Al Shabaab.

 

Madaxweyne Dani ayaa sheegay in Magaalada Garowe ay weli taallo gogoshii uu isagu fidiyay si looga wada tashado xal waara looga gaaro xaalad siyaasadeed ee dalka, isagoona mar kale ku celiyay in Maamulkiisu diyaar u yahay wada-hadal dhab ah oo ku aadan danaha guud ee dalka.

Wuxuu sheegay in Puntland ay uga maqan tahay madasha wada tashiga qaran sabab la xiriirta in laga weecday dastuurkii damaanad qaadayay mustqabalka Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degaannada Puntland.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Dani wuxuu soo jeeday in laga laabto wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka, wuxuuna Guddoonka Baarlamaanka ugu baaqay in qaato mas’uuliyadda ah isku heynta bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu wax ka qabto cashada taagan, si ay u soo laabato midnimada dalka, taasi oo uu sheegay in ay noqon karto mid ay taageerto Caalamka.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Dani ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF, oo lagu qabtay magaalada Garowe.

Si-kastaba, 1-da bisha soo aadan ee May ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto gogol uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ay ku soo wada qeyb gali doonaan Madaxda Maamulka Goboleedyada, Saamileyda Siyaasadda iyo ururada bulshada si loo afjaro xiisadaha siyaasadeed ee haatan taagan, islamarkaana loo garab istaago dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here