Puntland oo gacanta ku dhigtay diyaarado Drones ah iyo halka loo waday

0

GAROOWE (SMN) – Laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in shalay ay gacanta ku dhigeen 5 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaano Kamikaze-ka ah oo la rumeysan yahay in la doonayay in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah.

 

Puntland ayaa sheegtay in diyaaradahan laga keenay dalka Yemen, isla markaana lasoo marsiiyey dekedda magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa ay saraakiisha amniga intaasi ku dareen in la qabtay 7 qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ama Daacish, sida ay hadalka u dhigeen.

Qabashada diyaaradahan waxay hay’adaha amnigu sheegeen inay ka dhigan tahay dharbaaxo weyn oo ku dhacday kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa la fahamsan yahay in sirdoon laga helay ilo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay gacan weyn ka geysteen ka hortagga diyaaradahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here