Puntland oo gacanta ku dhigtay mid kamid ah kooxaha burcad badeedda

0

GAROOWE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada booliska Puntland ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay nin kamid ahaa kooxaha burcad badeedda oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Suufi Rasaasil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee maamulka Puntland.

Halkan hoose ka akhriso:-

#Garowe Ciidanka booliska G.Nugaal ayaa gacanta ku dhigay mid kamida afduubayaashii markabkii MV room iyo markabkii MV abdalla.

Maxamed Suufi rasaas oo kamida burcad badeedii Markabkii MV Abdalla,kana mid ahaa ragii lagacta madaxfurashada ka qaatay ayaa manta ciidanka booliska G.Nugaal kuguulaysteen iney gacanta ku dhigaan kadib howlgal qaatay saacado oo uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Booliska G.Nugaal G/Sare Maxamed Ali Axmed(Marduuf).

Ciidanka booliska G.Nugaal oo lasocday xogta maxamed suufi rasaas ayaa ku qabtay magalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey saacadihii lasoodhaafay.

Waxa uuna kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room isaga oo markii Danbe usowareegay markabkii MV abdalle oo uu kamid ahaa burcadii lagacta madax furashada ka qaadatay markabkaas.

Taliyaha qaybta Booliska G.Nugaal oo warbixin kabixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan sidoo kale Taliye marduuf ayaa hoosta ka xariiqay iney sharciga isu soodhiibaan hadii kale ay sixun u soogali doonaan gacanta laamaha amiga iyo cadaalada.

Dowlada Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here