BOOSAASO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo iyo duqeymo weli ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Barak Ciise ee dhaca nawaaxiga deegaanka Dharjaale, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.
Puntland oo ka hadashay howlgallada socda ayaa sheegtay inay ku dishay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay cagta marisay fariisimo ay xubnaha Daacish ku lahaayeen halkaasi.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay labada dhinac ku dagaalameen xero ay ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaaleoo ay soo weerartay kooxda Daacish.