Puntland oo si wayn uga hortimid dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa si kulul uga hadlay Golaha Warbaahinta Qaranka oo dhawaan ay dhistay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

 

Dirir oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ku andacooday in golahan la magacaabay iyadoo aan lagala tashan ururrada saxaafadda iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale ku dooday in dhismaha golahan ay jabineyso sharciga saxaafadda ee 2020-kii ee wax ka bedelka lagu sameeyay, kaasoo dhigaya in goluhu uu ka madax banaanaado faragelinta siyaasadeed, loona baahan yahay in wadatashi lala sameeyo Wasiirada Warfaafinta, Ururrada Saxaafadda, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo bulshada rayidka ah.

“Waxaad aragteen in lasoo bandhigay Media Council shuruucda iyo wax kasta oo la keenayo waxay u baahan tahay wada-tashi, maadaama dalka uu yahay federaal laakiin ma dhicin” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here