MUQDISHO (SMN) – Wasiirka beeraha ee dowlad goboleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.
Doonyaale ayaa shaaca ka qaaday in wax badan ay uga maqan yihiin dowladda dhexe, isla markaana keenay in Puntland ay xiriirka u jarto dowladda federaalka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland ay tashatay, ayna hadda Muqdisho keento Timir kasoo go’day beeraheeda, isaga oo uu tilmaamay in lagu iibiyo suuqyada caasimada.
“Puntland labo Cagaf iyo ka badan ayaa uga maqan DFS, Timirta ka soo baxda Beeraha Puntland waxaa lagu iibiyaa Suuqyada Muqdisho, haddana waxaan rabnaa in aan Dunida u dhoofino” ayuu yiri Wasiirka Beeraha maamulka Puntland Mudane Maxamed Doonyaale.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-