MUQDISHO [SMN] – Puntland ayaa si kulul uga hadashay hadalkii Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in dowladda Federaalka ay garab taagan tahay Ciidamada ka dagaalamaya Cal-Miskaad, islamarkaana ay siinayso taageero kasta oo ku aadan dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish.
Wasiirka Wasaardda Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka falceliyay balan-qaadka Xamse Ayaa sheegay in Raiisul Wasaaruhu hadalkiisu uu yahay mid ku darsasho ah, islmarkaana looga soo dhiibay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Dirir wuxuu sheegay in Puntland aysan Xukuumadda Raiisul wasare Xamse wax garab istaag ah uga baahnayn, islamarkaana Puntland haddda isku tashatay, kana adkaan doonto Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo wax taageero ah dibadda uga imaan ama waydiisan.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in wax qorsho ah uga degsanayn dagaalka Al-Shabaab, kaasoo hakad ku jira mudoka badan sanad, iyadoo Villa Soomaaliya xoogga saartay la dagaalanka Maamul Goboleedyada dalka, oo Puntland iyo Jubaland ay ugu horeeyaan.
“Balan qaadka uu Raiisul Wasaaraha ka shaaciyay Dumarka dhexdooda waa mid uu iskaga gadayay shacabka Soomaaliyeed, ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Dirir.
Puntland ayaa sanadkii horey ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, kadib markii la isku khilaafay hanaanka dib u eegista dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan nooca laga qabanayo dalka.