GAALKACYO (SMN) – Ciidamada Booliska Maamulka Puntland oo howlgal sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay mid kamid ah xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo dhawaan ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa soo qabtay Barkhad Cawil Xirsi oo ku xukumanaa dil toogasho ah, waxaana weli ciidamadu ayku raadjoogaan saddex kale oo baxsad ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ayaa u qornaa sidatan:-
Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay muwaadinkii keentay xogta dilaaga Argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.
Sidoo kale waxaa wili baxsad ah,
1 Abdiqani saleeban jama (Sayloor)
2Abdulahu faysal xusen (Abuujonge)
3Abdirahman Awal maxamed (Siigayste)
Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah.
Nagalasoo xiriir 5540000
Nagalasoo xiriir 4314441