BOOSAASO (SMN) – Puntland ayaa saaka xukun dil toogasho ku fulisay xukmane Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilka guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika, Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse oo horay loogu dilay magaalada Boosaaso.
Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla magaaladaasi, waxaana goobjoog ah saraakiil ka socoto maxkamadda, mas’uuliyiinta degmada iyo ehellada.
War kooban oo kasoo baxay taliska booliska Puntland ayaa waxaa looga hadlay qisaasta lagu fuliyay xukumane Maxamed Abshir Muuse.
Taliska Booliska ayaa sheegay in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay magaalada Boosaaso ku qisaastay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo horay 29 July 2024 Boosaaso ugu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda Bariga Afrika marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse.
“Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri warka Booliska.
Puntland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay shaqsiyaad dilal ka gaysta deegaanadeeda, kuwaas oo u badan xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.