DOOLOW (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in dalka ay ka hurineyso colaado ay ku doonayso dano siyaasadeed.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee Raaskambooni, Dooloow iyo Kulbiyoow ay muujinayaan sida dowladu ay ugu heelan tahay in uu daato dhiig Soomaaliyeed si ay u gaarto dano siyaasadeed, waxaan uu tilmaamay in dowladu qaadeyso mas’uuliyadda dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay.
Wasiirka ayaa xusay in heshiiskii dowladdu lagashay Itoobiya uu ahaa mid laga leeyahay dano siyaasadeed, isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aanan ka tarjumaynin danaha qaranka isaga oo xusay in dowladda hadda jirta dalka ay ka xaraasheeso Itoobiya.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa xusay in Puntland ay horay uga digtay waxa ka dhacaya dalka, isla-markaana ay ogaayeen waxa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh sameenayo isaga oo xusay inuu laalay dastuurkii dalka, sharafkii dowladnimadana uu dhaawacay, taladiina kalisgiis uun ay kusoo aruurtay, sida uu hadalka u dhigay.
Puntland ayaa horay u shaacisay in ay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay isku qabteen qodobo dastuuri ah oo muhiim u ah masiirka dalka.