GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cawil Mataan iyo saraakiisha Booliska ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Garoowe, kadib markii ay maalin kahor ku wada dagaameen ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.
Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka ku saabsan in weli khatar amni ay ka jirto gudaha magaalada Garoowe, kadib dagaalkii ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Cawil ayaa shaaca ka qaaday in Garoowe ay amni tahay, isla-markaana ay dhaqan gashay xabad joojintii lagu dhawaaqay si dagaalka loo jiyo, loogana hortago xiisadda.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo hubeysan ay isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taas oo aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay.
βGarowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ahβ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan.
Xaaladda Garoowe ayaa haatan ah mid deggan, waxaana soconaya dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, Soomaaliya.