Puntland oo war kasoo saartay Xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya

0

GAROWE, Soomaaliya – Puntland ayaa sheegtay inay walaac ka qabto jahwareerka siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya iyo hubanti la’aanta geeddi socodka hannaanka dowlad dhiska dalka iyo doorashadda 2026.

 

Puntland ayaa taageertay warkii kasoo baxay Mucaaradka ee ku aadan in wadatashi qaran laga yeesho xaaladda dalka, si looga badbaadiyo in dib u dhac ku yimaado waqtiga doorashadda.

 

“Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa siyaasadda guracan ee Madaxweynaha JFS uu ku faragalinayo, kuna kala qaybinayo hay’adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda Dowladda Federaalka. Dhaqanka faragalinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku saleysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here