GAROWE – Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saartay tallaabadii ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu hor-istaagay diyaarado siday saraakiil iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland oo safar ugu socday magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay si toos ah khatar u gelisay nolosha saraakiisha Dowladda Puntland iyo Ciidanka ilaalada Madaxweynaha, iyadoo lagu tilmaamay mid ka baxsan mas’uuliyadda iyo habraacyada amni ee la isla ogaa.
“Madaxda Dowladda Federaalka waxay khatar geliyeen nolosha saraakiil ka tirsan Dowladda Puntland iyo Ciidanka ilaalada Madaxweynaha Puntland oo safar u ahaa magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Puntland ayaa muujisay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta ay tallaabooyinkan ku yeelan karaan amniga, wada-shaqeynta dowladnimo iyo jawiga wadahadallada siyaasadeed, waxayna ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay ka fogaato ficillo keeni kara xiisad iyo kalsooni darro hor leh.
Ugu dambeyntii, Dowladda Puntland ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay nabadda, wada-hadalka iyo ilaalinta sharafta iyo badbaadada mas’uuliyiinteeda, iyadoo dalbatay in si degdeg ah loo saxo tallaabooyinka lagu wiiqayo is-afgaradka u dhexeeya dhinacyada.





