Qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda SoDMA oo tababar looga furay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane  Mahamoud Moallim Abdulle ayaa Maanta shaqaale katirsan hay’adda SoDMA u furay Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan hoggaanka Haweenka ee Hawlaha Bani’aadamnimada, kaas oo socondoono muddo Afar Maalin ah.

 

Siminarkaan ayaa waxaa sare loogu qaadayaa fahamka Shaqalaha Hay’adda ee ku aadan Hogaanka Haweenka ay ku leeyihiin arrimaha Bani’addamnimada, kaas oo qayb ka ah tababarada kala duwan oo hay’adda u qorshaysan 2023, sarana loogu qaadayo guud ahaan aqoonta iyo waayo aragnimada shaqaalaha Hay’adda.

Tababarkaan waxaa ka taageeraya hay’adda mareeynta Musiiboyinka Qaranka hay’adda UNFPA, waxaana daahfurkiisa guddoomiye Maxamuud Macalim Cabdulle ku wehliyey masuuliyiin katirsan hay’adda SoDMA.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here