Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa saaka xiran waddada xiriirsa Zoobe ilaa Km4, wadooyinka soo gala isbitaalka Madiina iyo waddada aada Buula Xuubeey ee magaalada Muqdisho.

 

Shacabka ayaa lugeynaya iyadoo aysan jirin wax gaadiid ah iyo bajaajtaisticmaalaya waddooyinkaasim

Xirnaashiyaha waddooyinkan ayaa loo sababeenayaa in Ra’iisul wasaare Xamza uu ka qeyb-galayo munaasabad baroor diiq ah oo ka dhacaysa isbitaalka Madiina, taasi oo loogu baroor diiqayo dadkii lagu xasuuqay isgoyska Zoobe 29-kii October 2022 iyo weeraradii is xig xigay ee Zoobe 2.

Qaar kamid ah darawallada mootooyinka Bajaajta oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay xirnaashiyaha waddooyinka iyo saameynta ay ku yeelatay. Bajaajleyda ayaa dalbaday in marka la xirayo waddooyinka la siiyo ogeysiis isla markaana loo dabciyo oo aan lagu dhibaateynin.

Inta badan marka madaxda dalka ay tegayaan goobaha ka fog madaxtooyada qaranka ama ay ka dhoofayaan garoonka diyaaradaha waxaa loo xiraa waddooyinka, taasi oo keenta in hakad uu ku yimaado isku socodka gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here