Qaramada Midoobay iyo Sweden oo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ku simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden ee Soomaaliya Mudane Steen Sonne Andersen, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka.

 

Labada Danjire ayaa si gaar ah kulankooda uga hadlay dib u xaqiijinta taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda federaalka, taas oo dhinacyo kala duwan leh, gaar ahaan nabadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan uu qayb ka yahay shirarka wada-shaqeynta joogtada ah ee uu James Swan la yeesho wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo taageerada Soomaaliya.

“Iyadoo qayb ka ah wada shaqaynta joogtada ah ee uu la yeesho saaxiibbada caalamka, ayuu Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowlada Denmark ee Soomaaliya, Mudane Steen Sonne Andersen – waxay dib u xaqiijiyeen taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ee nabadda iyo yoolalka dawlad-dhisidda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashooyinka iyo dastuurka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka dalka.

Si kastaba, xubnaha beesha caalamka ayaa mar kasta soo farogeliyo xaaladaha siyaasadeed, marka ay ay heshiin waayaan dhinacyada is haya, waxaana xiisadda si wayn loo dareemaa xilliyada doorashooyinka oo ay si wayn isku riixaan siyaasiyiinta xil doonka ah iyo kuwa jooga xafiiska ee markaas haya talada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here