Qaramada Midoobay oo ka xumaatay baaqashada ka qaybgalka Puntland iyo Jubaland ee madasha wadatashiga qaranka

0

Muqdisho – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNTMIS) ayaa muujiyay walaac iyo ka xumaansho ku aaddan in kooxaha hordhaca ah ee ka socday maamulada Puntland iyo Jubaland ay ku guul-darreysteen inay soo gaaraan madasha wada-tashiga qaranka ee la qorsheeyay in ay ka furanto magaalada Muqdisho.

 

UNTMIS ayaa sheegtay in sababta arrintan ay tahay in aan la bixin oggolaanshiyaha farsamo ee lagama maarmaanka ahaa, taas oo caqabad ku noqotay imaanshaha wafdiyadaasi.

Hay’addu waxay si adag ugu dhiirrigelisay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay mudnaanta siiyaan gogosha wada-tashiga qaran ee hore loogu heshiiyay, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee mudnaanta u leh dalka, ka hor dhammaadka muddada waajibaadka dastuuriga ah.

Sidoo kale, UNTMIS ayaa ku boorrisay in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyay inay sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawiga ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah, si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo ka tarjumaya danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

UNTMIS ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay wada-hadal loo dhan yahay oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo doorashooyin lagu heshiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here