Qaramada Midoobay: Xiriirka u Dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab waa sii xoogeysanayaa

0

MUQDISHO – Warbixin cusub oo ay soo saareen kooxda khubarada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Yemen ayaa shaacisay in uu weli socdo xiriir iyo iskaashi qarsoon oo u dhexeeya Xuutiyiinta, Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.

 

Sida lagu sheegay warbixinta oo loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM António Guterres, khubaradu waxay sheegeen in hoggaamiyeyaal ka tirsan saddexdan kooxood ay si joogto ah isu weydaarsadaan xog, isla markaana ay iska kaashadaan howlaha sirdoonka iyo dhaq-dhaqaaqyada militari.

Warbixintu waxay tilmaamtay in labo xubnood oo Al-Qaacida ah ay si toos ah ula shaqeeyeen hay’adaha amniga iyo sirdoonka Xuutiyiinta, taasoo keentay in labada dhinac ay helaan faa’iidooyin istiraatiiji ah iyo dhaqaale.

Ilo sir ah iyo kuwo rasmi ah ayaa sheegay in iskaashigani diiradda saarayo tababarka dagaalyahannada, bixinta daryeel caafimaad, iyo wadaagga qalabka dagaalka ee lagu sameeyo deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan.

Kooxda khubarada ah ayaa sidoo kale ku eedeysay Xuutiyiinta inay noqdeen il muhiim ah oo maalgelin u ah ganacsiyada sharci-darrada ah, gaar ahaan ka ganacsiga hubka iyo badeecooyinka mamnuuca ah, taas oo ay la wadaagaan Al-Qaacida, Al-Shabaab iyo shabakado kale oo tahriibin.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xiriirka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, iyadoo lagu waramay in Xuutiyiintu ay Soomaaliya u direen injineerro iyo farsamayaqaanno si ay u tababaraan xubno Al-Shabaab ah samaynta bambaanooyinka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada loo adeegsado.

Sida lagu xusay warbixinta, ku dhowaad 400 dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa loo qaaday Yemen si halkaas loogu tababaro dhinacyo militari iyo fikrado diimeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here