Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay gobollka Shabeellaha Dhexe

0

JOWHAR – Wararka laga helayo gobolka Shabelada Dhexe ayaa sheegaya in Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah Miino ay kula kacday Deegaanka Kudkudaaleey oo hoostaga degmada Ruunirgood.

 

Gaariga ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Layla Calaawi ayaa saarnaayeen ku dhawaad 20 Ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo ku sii jeeday gobolka galgaduud.

Ilaa 7 Ruux ayaa ku dhintay halka 4 Kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi Miino oo la sheegay inuusan gaariga waxba u reebanin sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonyahay.

Gaariga ayaa la sheegay inuu shalay galinkii dambe uu ka anbabaxay Magaalada Muqdisho safarna u ahaa magaalooyinka Mazagawaay iyo Ceel dheer ee gobolka Galgaduud xiliga Miinadu ay ku qaraxday kaasi oo ay saarnaayeen dad shacab ahaa.

Gabi ahaanba gaariga ayaa basbeelay iyadoo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan bur burka laxaadka leh ee gaariga soo gaaray.

Miinada ayaa la sheegay in la dhigay wadada dhineceeda kadibna gaariga sidaasi ay kula qaraxday, waxaana la ogeyn inuu ahaa ku talagal iyo in kale.

Waxaa jirta sida wararku sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay Alshabaab ay soo kordhiyeen lacago badan o laga qaadayo dadka iyo gaadiidka safarka ah, lacagahaasi ayaa ah sida la sheegay 120 Doolar oo gaarigiiba laga rabo soo socod iyo sii socod, waxaana neefkii ay ka qaadaan lacag dhan 2 doolar halka baabuura waaweyn ee xamuulka qaada laga qaadayo lacag gaaraysa 500 oo doolarka Mareekanka.

Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujinaya lacagaha xaddhaafka ah ee Al-Shabaab ay kusoo rogeen iyo qaraxyada miinada ee lagalinayo wadooyinka ay maraan musaafurka, taasi oo keeni karta in hakad u uku yimaado isucodka dhinaca dhulka Muqdisho iyo gobolada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here